Midowga Africa oo Arrimaha khilaafka soomaaliya war ka soo saaray

HomeWararka

Midowga Africa oo Arrimaha khilaafka soomaaliya war ka soo saaray

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqey dowladahaxubnaha ka ah in ay hubiyaan xaaladaha nabadgelyada inta ay qabanayaan doora

FREEDOM AIRLINE iyo qiima-dhimista duulimaadka xajka iyo dareenka shacabka (dhegayso)
Muqdisho lagu qabanyo Shirki maamul gobaleedyada iyo DFS
SOOMAALILAND: “Waxaan sii wadi doonaa barakicinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya”

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqey dowladahaxubnaha ka ah in ay hubiyaan xaaladaha nabadgelyada inta ay qabanayaan doorashooyinka inta lagu gudajiro safmareenka halista ah ee Coronavirus [Covid-19].

Intii uu socday Kulankoodii ugu dambeeyay, Goluhu wuxuu is-dul-taagay doorashooyinka ka dhacday guud ahaan Afrika muddadii u dhaxeysay Julaay ilaa Disember 2020 iyo kuwa la qaban doono inta lagu gudajiro rubuca hore ee

2021, sidda ay Arbacadii warisay wakaaladda wararka ee Xinhua oo soo xigatay bayaan uu soo saarey ururka.

Burkina Faso, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Cote d’Ivoire, Ghana, Guinea, Niger, Tanzania iyo Uganda ayaa qabtay doorashooyin inta u dhaxeysay Julaay ilaa Disember 2020, halka Congo, Cote d’Ivoire iyo Soomaaliya ay gelayaan doorashooyin inta lagu jiro rubuca koowaad ee sanadkan.

Goluhu wuxuu mar kale ku celiyey muhiimada ay leedahay wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay go’aansadaan in loo dhaqaaqo qabanqaabada doorashooyinka “si loo hubiyo amaanka iyo amniga dadweynaha ee kahortaga aafada”.

Tirada kiisaska Covid-19 ee laga xaqiijiyay ee kiis qaaradda ayaa maraya 3,905,936 laga bilaabo duhurnimadii Talaadada, sidda ay daabacdey Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: