SOOMAALILAND: “Waxaan sii wadi doonaa barakicinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya”

SOOMAALILAND: “Waxaan sii wadi doonaa barakicinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya”

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Warbaahinta usheegay in Maalintii Shanaad oo xiriir ah ay wadaan barakacinta dadka aan u dhalay Gobolka Sool ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay laascaanood waxaa uu sheegay in dadka ay si nabad ah u ga saarayaan magaalada oo ay ugu celiyeen degaankooda, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu la wareego dadkaas.

Isaga oo ka jawaabayay eedeyn uga timid Maamulka Puntland ayuu guddoomiyihi sheegay in Somaliland ay dadka si wanaagsan ula dhaqanto, balse Maamulka Puntland gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland uu dadka iska dilo sida uu hadalka u dhigay..

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay inay jiraan dad badan oo ka falceliyay dadka ay ka saareen gobolka oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana uu sheegay in amniga Somaliland aysan cid marti uga noqoneyn, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha ay ilaaliyaan Ciidamo Shisheeye.

Somaliland ayaa waxaa ay weli magaalada laas-caanood ka wadaa raafitaanka dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxaana falkaas ay kala kulmeen dhaleeceeyn xoogan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com