Muqdisho lagu qabanyo Shirki maamul gobaleedyada iyo DFS

Muqdisho lagu qabanyo Shirki maamul gobaleedyada iyo DFS

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa dhawaan in uu ka furmo shir ay yeelanayaan dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya,iyada oo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ay dhawaan imanayaan Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa waxyaabaha ka qabsoomay shirkii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyada oo shirkii ugu dambeeyay waxyaabaha ka soo baxay ay ka mid ahaayeen isku dhafka Ciidanka,sugidda amniga dalka,wadaagga Kheyraadka iyo qaabka doorasho qof iyo cod ah uga dhaceyso Sanadka 2020ka.

Shirkan ayaa ajendihiisu waxaa uu yahay in la isla eego,waxyaabaha ka qabsoomay qodobada kor ku xusan ee ku jiray war-murtiyeedka shirkii Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com