Maxkamadda Hargeysa oo Boqor Buurmadoow ku xukuntay 5,sano oo Xarig ah

Maxkamadda Hargeysa oo  Boqor Buurmadoow ku xukuntay 5,sano oo Xarig ah

Maamulka Somaliland ayaa mar kale xabsiga dhigay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow kaas oo dhawaan laga siidaayay xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Magaalada Haregysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa waxaa Shan Sano oo Xabsi ah ku ridday Boqor Buurmadoow kaas oo ay Somaliland sheegtay in ay dhibsatay hadal uu dhawaan ka jeediyay degmada Carmo ee Degaannada Puntland.

Boqor Buurmadoow ayaa waxaa uu Carmo ka sheegay kuna baaqay in Maamullada Somaliland iyo Puntland ay kala qaadaan Ciidamada isku hor fadhiya degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0