Dad Gaajo iyo oon ugu geeriyooday Gobolka Gedo

HomeWararka

Dad Gaajo iyo oon ugu geeriyooday Gobolka Gedo

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolka Ge

Jigjiga: Shacabka oo ku Afuray Bartamaha Magaalada (sawirro)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo, kuwaas oo kasoo barakacay degaannadooda.

Guddoomiyaha degmada luuq ee Gobolka Gedo Cali Kediye Axmed ayaa sheegay in Saddexda Ruux ee geeriyootay laba kamid ah ahaayeen Carruur, kuwaas oo uu sheegay inay geeriyoodeen xilli ay kusoo wajahnaayeen degmada luuq.

Waxaa uu sheegay in degmada luuq ee Gobolka Gedo ay ku sugan yihiin Boqolaal Ruux oo kasoo barakacay abaar kajirta degaannada, Golweyn, Yurkud iyo kuwo ka yimid degaannada u dhaxeeya Garbahaareey iyo luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Guddoomiyaha degmada luuq ee Gobolka Gedo Cali Kediye Axmed waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay qeylo dhaan u direen Hay’adaha samafalka, dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, balse ilaa iyo hadda aysan helin wax jawaab ah, wuxuuna markale ugu baaqay Madaxda dowladda in loo soo gurmado dadka ay abaartu saameeysay.

Dadka kunool degaano iyo degmooyin kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan saameeysay abaar kajirta, iyada oo meelaha qaar gurmad la gaarsiiyay halka degaannada qaar dadkii deganaa ay ka barakaceen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: