Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun dil ah kuridey rag lagu eedeeyey Al-shabaab.

Boosaaso, March, 5 Maxkamadda ?Derejada koowaad ee ciidamada Puntland qaybteeda gobolada Bari, Karkaar, Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta xukun dil ah ku ridey ?3-nin oo lagu eedeeyey inay kamid yihiin ururka Al-shabaab ee Buuraha Golis.

?
Eedayssanayaasha maanta la xukumay oo kala ah Cali Maxamuud Cilmi, C/risaq Axmed Shiikh Axmed iyo Aadan Maxamed Nuur ayaa la sheegay in maxkamda horteeda ay ka qirteen kamid ahaaansha Al-shabaab.
?
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee gobolada Bari,Karkaar, Sanaag iyo haylaan Md C/fataax X Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamda oo ah dil toogasho ah oo lagu xukumay sadexda eedaysane ee maxkamada lasoo taagey.
?
Waa xukunkii sadexaad oo mudo todobaad ah ay rido Maxakamda ciidamada Puntland kuwaasoo lagu ridey dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0