HomeUncategorized

Booliska Netherland oo Xiray Gabar Soomaali ah

Somalia, December 13, 2015-(Daljir)_Gabadhaasi oo deggan magaalladda Sittard ayaa lagu tuhunsan yahay inay ku lug leedahay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

J. Hoose oo 2-1 uga badisay Sanaag & Baay oo 3-0 uga badasiday Galgaduud.
USA iyo Ethopia oo Is-kaashi buuxa ka samayey ka shaqeynta amaanka dalalka Qaarada Afrika
Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo maanta si wada-jira oga hadlay dhacdadii shalay xabsiga weyn ee Gaalkacyo iyo xaaladda hadda uu ku sugan yahay gobolka (Warsi-xaafadeed)
Somalia, December 13, 2015-(Daljir)_Gabadhaasi oo deggan magaalladda Sittard ayaa lagu tuhunsan yahay inay ku lug leedahay Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
 
Waaxda Dacwad-oogayaasha dalkaasi ayaa sheegtay in gabadhaasi oo 15 jir ah lagu soo hayn doono Xabsiga, kadib, markii ay kaga shakiyeen inay gabadha xubin ka tahay Urur Dembiilayaal leyihiin oo qorsheynayey inay geystaan Weeraro Argagixiso.
 
Warbaahinta RTL ayaa sheegtay in gabadha la sii daayey, maadaama aysan qaan-gaarin, balse lala soconayo dhaqdhaqaaqeeda.
 
Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inay Rafcaan ka qaadan doonaan sii-daysamadeeda, iyagoo sheegay inay ku lug leedahay xaallado khatar ah.
 
Gabadhaasi oo aan magaceeda lagu soo koobay Rahma E., ayaa la sheegay inay Boliska dalka Holland markii ugu horreysay horey u qabteen bishii September 3-dii ee sannadkan. inkastoo labo isbuuc kadib la sii daayey.
 
Wargeyska The Telegaraf ee ka soo baxa Holland ayaa qoray inay gabadhaasi oo asalkeedu Somali yahay inay hooyadeeda iyo walaalkeeda kula nooshahay magaalladda Sittard oo ku taalla Gobalka Limburg ee Koonfurta dalka Holland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: