Maxay ka wada hadleen Safiirka Itoobiya & Madaxweyne Laftagareen?

Maxay ka wada hadleen Safiirka Itoobiya & Madaxweyne Laftagareen?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay wehlinayeen Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Safiirk Cabdifitaax ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed l(aftagareen) ayaa uga mahad celiyay dowladda Itoobiya taageerada dhanka Amniga ah oo ay siiso Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu ka dalbaday inay kordhiyaan.

Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo, isla markaana ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Itoobiya aya waxaa Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM waxaa ay ka joogaan degaano badan oo ka tirsan degmooyinka Baay iyo Bakool, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com