BUULO-BURDE: Al-shabaab oo burburisay Garoonkii Diyaaradaha (Sawirro)

Kooxda Al-shabaab ayaa weraro qaraxyo ah ku qaaday gariibka diyaaradaha ee degmada Buulo-Burde ee Gobolka , halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka socday dhismaha Garoonka.
Qaraxyadan ayaa isugu jiray Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay dhismaha ka socday Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Al-shabaab waxa ay bur buriyeen qeyb kamid ah Goobihii la dhisay kuwaas oo kamid ahaa meelaha ugu muhiimsan Garoonka Diyaaradaha.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in qaraxyadan uu hal qof ku geeriyooday Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay howlgallo xoogan ka wadaan duleedka degmada Buul-Burde gaar ahaan aaga Garoonka, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxada.

22-kii Bishii June ee sanadkii tegay ee 2020 ayay aheyd markii qaraxyo Miino oo lagu xiray qeybta Nasahada ay waxyeelo u geysteen Garoonka, waxaana qaraxyadaan ay kusoo aadayaan xilli dhawaan la filayay inay dhismaha Garoonka xariga ka jaraan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed)
Sawirro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com