Puntland: “Khilaafka Farmaajo & Rooble waxaa lagu xalinayaa Garoowe”

Puntland: “Khilaafka Farmaajo & Rooble waxaa lagu xalinayaa Garoowe”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble uu salka ku haayo Dastuur jabin, hor Usocod la’aan Doorasho iyo Khilaaf soo jiitama oo soo laab laabtay.

Waxaa uu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed ee dhaca lagu xaliyo Caasimadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe haatana uu rajeeynayo in lagu dhameeyo khilaafkaas.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa uu sheegay inay soo dhaweeynayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ku shiraya Magaalada Garoowe, isaga oo cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roiblr ayaa xoogeystay, iyada oo dhawaan dhex-dhexaadin ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ay fashilmeen.

Wasiirka oo kusugan Nayroobi ayaa qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com