Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilka QM?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble & Wakiilka QM?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka, waxaana kulanka ku wehlinayay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com