Wasiir Dhabancad & Wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiir Dhabancad & Wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka socday Banka Adduunka, gaar ahaan Barnaamijka RCF.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii Banka Adduunku gacan uga geysan lahaa barnaamijyada dowlad wanaagga iyo Dimuqraadiyeynta, gaar ahaan daadajinta adeegga iyo Maamulka Dowladaha Hoose.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Banka Adduunku ka wada shaqeeyaan sidii lagu xoojin lahaa maamul daadajinta iyo Dimuqraadiyeynta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com