Maxaabis ka baxsatay xabsi ku yaala Ugaandha

HomeWararka

Maxaabis ka baxsatay xabsi ku yaala Ugaandha

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay xabsi ku yaala waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku daraan in ciidanka

What does the arrival of UNSG Special Representative in Mogadishu mean to Somalia?
Puntland oo dagaalka Mudug ku eedeesay dowladda dhexe (daawo)
Ciidamo ka yimid Hargaysa iyo Gebilay oo soo gaaray deegaano ka mid ah Sanaag (dhegayso)

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay xabsi ku yaala waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku daraan in ciidanka amniga ay baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.

Maxaabiista ayaa dilay mid kamid ah ilaalada, ka hor inta aysan jabin jeelka Moroto, waxayna u jahaysteen dhanka buuraha oo magaalada xabsiga ku yaalo ku hareereysan.

Ciidanka iyo saraakiisha xabsiga ayaa ku howlan baadi goobka maxaabiista fakatay, kuwaas oo horey u qaatay 15 qori iyo rasaas badan.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in labo kamid ah maxaabiista la soo qabtay ka dibna la dilay. Wakaaladda wararka AP waxay sheegtay in maxaabiista iska bixiyeen dharkii hurdiga ahaa ee maxaabiista, ka dibna ayagoo qaa qaawan ay buuraha ku carareen si aan loo soo qab qabanin.

Xabsiga Moroto waxaa uu ku yaala oogada sare ee buurta oo u dhow magaalada. Waana xabsiga ugu weyn magaalada Karamoja oo ku taala gobo taariikh ahaan dadkiisa Lo’da dhaqatada ahi isku dagaalaan, waxaana ku badan rabshada hubeysan.

Olole hub- ka dhigis ayay dowladdu ka bilowday gobolka horaantii 2000, hub fara badan ayaana soo galay gacanta dowladda laakiin waxaa wali ka dhacaya gobolka isku dhacyo goos goos ah oo u dhexeeya bulshooyinka degaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: