Ciidamo ka yimid Hargaysa iyo Gebilay oo soo gaaray deegaano ka mid ah Sanaag (dhegayso)

Ciidamo ka yimid Hargaysa iyo Gebilay oo soo gaaray deegaano ka mid ah Sanaag (dhegayso)

Somaliland ayaa ciidamo hor leh usoo dirtay deegaamada gobolka Sanaag, waxaana ay ka dambaysay kadib markii Arbacadii dagaal ka dhacay deegaanka Damal xagare looga dilay ilaa afar askari , sideed kallena looga dhaawacay, mana jirin wax gurmad ah oo ay ka heleen ciidamadooda ka joogay gobolka oo u badnaa dhalinyaro deegaanka ah.

Dagaalka deegaanka Damalxagarre waxaa uu dhexmaray ciidamo ilaalo u ahaa wasiirka waxbarashada Puntland, shacabka deegaanka iyo ciidamo katirsan Somaliland oo aan deegaankaasi u dhalan.

Haddaba wararkii u dambeeyey xiisadda gobolka Fadumo Deggan Dahir ayaa ka warbinaysa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • sixitaan wareeysigaan.
    gobolka somaliland meesha aad ka tiri waxaad dhahdaa Goboka Sanaag ee Puntland .

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com