Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka?

HomeWararka

Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka?

Maanta waxaa Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi F

Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Hague u tegay kiiska Baddeena dihin
CADAADO: | waa Magaaladdi kowaad ee Galo deegaan yeelata Galmudug Burburkii ka dib
RW Rooble iyo Madaxweynaha Hiirshabeele maxay kawada hadleen?

Maanta waxaa Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iy Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ay dalbadeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa uu ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in looga hadlay saamaynta ay muddo kororsigu ku keentay xaaladda dalka iyo in la helo waddo looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee gacan ka hadalka ku dhaw èe ka taagan Muqdisho.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa la sheegay inay cadaadis ku saarayaan sidii looga laaban lahaa muddo kororsiga ay u sameeyeen Xildhibaananda Golaha Shacabka.

Maalmihi la soo dhaafaya ayaa waxaa aad loo hadal haayay muddo kororsiga ay farmaaj u sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka, kaas oo keenay in xaalad aan wanaagsaneyn inay gasho magaalada Muqdisho.

Dhowr Jeer Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay soo saareen qoraalo ay uga soo horjeedeen muddo kororsiga, iyaga oo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan dadka ku lugta leh go’aankii Baarlamaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: