Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Hague u tegay kiiska Baddeena dihin

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa uu yahay inay goobjoog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haya go’aanka Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto, iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka kasoo baxa Maxkamadda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com