Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka DFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka DFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian.

Kulankan ayaa loogaga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada Waxbarashadda, Dhaqaalaha, Arrimaha Bani’aadminimadda Iskaashiga dhanka amniga iyo la tacaalidda Cudurka Covid-19.

Dowlada Soomaaliya ayaa bilowday dhaqdhaqaaq diblumaasiyeed taasoo ay ku raadineyso taageero kadib markii dowlada Maraykanka,Britain iyo wadamada Midowga Yurub ay ka soo horjeesteen muddo kororsiga labada sano ee uu golaha shacabku ansixiyay.

Dhawaan ayaa waxaa wasiiru dowlaha arrimaha dibada dowlada Soomaaliya uu kulan la yeeshay safiirka Ruushka u fadhiya Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com