Marinka Kanaalka Suweys oo dib loo furay

HomeWararka

Marinka Kanaalka Suweys oo dib loo furay

Markab weyn oo konteenar ah oo ku xayirnaa kanaalka Suweys muddo toddobaad ku dhow ayaa lagu guuleystey in laga saaro halka uu ku xayirnaa. Dhere

Duleedka Garoowe Waxaa ku Dhibban Qoysas Xoolihii ka Dhammaadeen (dhegeyso warbixin qiiro leh)
MAANHADAL: DOORASHO MISE BOOB AAN LOO MEEL DEYIN?
Saaka & Dunida iyo Cabdicasiis Daacad, Daljir Qardho (dhegayso)

Markab weyn oo konteenar ah oo ku xayirnaa kanaalka Suweys muddo toddobaad ku dhow ayaa lagu guuleystey in laga saaro halka uu ku xayirnaa.

Dhererka markabka Ever Given oo gaarayay 400m (1,300ft) ayaa la toosiyay iyadoo la rajeynayo in boqolaal maraakiib ah oo safarkoodu u xayirnaa markabka ay dib u bilaabaan socodkooda.

Wararka ayaa sheegaya in markabka laga saaray marinka ay sare u qaaday rajada laga qabo in isu socodka wadada kanaalka uu dib u bilaaban karo saacado gudahood, taasoo wadada u xaaraysa qiyaastii $ 9.6bn (£ 7bn) oo alaab ah oo xayirneyd.

Markabka Ever Given oo ay saaran tahay xamuul gaaraya200,000-tan ayaa subaxnimadii Talaadada ayaa waxaa ku dhuftay dabeylo badan iyo duufaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: