Mareynka iyo Canada: “ Iiraan waxay soo ridday diyaaraddii Ukraine”

Mareynka iyo Canada: “ Iiraan waxay soo ridday diyaaraddii Ukraine”

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in diyaaraddii laga lahaa dalka Ukraine ay ku soo dhacday gantaal ay rideen Ciidanka Iran.

Justin Trudeau ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan dhameystiran lagu sameeyo, isagoo tilmaamay in sirdoonka dalkiisa iyo kuwa xulafada la ah ay hayaan caddeymo muujinaya in Iran soo riday diyaaradaas.

“Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Canada.

Diyaaradda laga lahaa dalka Ukraine ayaa waxaa saarnaa illaa 176 rakaab, kuwaasoo kala bar u dhashay dalka Canada.

Warbaahinta Mareykanka ayaa tabiyay in diyaaradda ay ku soo dhacday gantaal ay la dhaceen Ciidanka Iran, taasoo aheyd si kama’a ah, xilligii ay duqeynayeen Saldhigyada Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay “inuu shaki ka qabay” sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: “Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay”.

Dowladda Ukraine ayaa ka dalbatay dalka Canada inay kala qeyb qaadato baaritaano caalami ah oo lagu sameeyo diyaaradda soo dhacday iyo sababta ay la dhacday, kaddib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in gantaal ay riday Iran ay ku dhacday.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com