Maxaabiis gaajo ugu geeriyootay dalka DR.Congo

Maxaabiis gaajo ugu geeriyootay dalka DR.Congo

Ugu yaraan 17 maxbuus ayaa ku dhex geeriyootay xabsi ku yaala wadanka Congo, todobadyadii la soo dhaafay.

Maxabiistaasi ayaa u geeriyooday gaajo, nadaafad daro iyo daawo la’aan sida ay sheegtay mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka ee ka howl gala dalka Congo.

”Maxaabiista maalin walba waa ay dhimanayaan oo gaajo ayey u dhimanayaan ayuu yiri”mid ka mid ah ilaalada xabsiga lagu magacaabo Makala oo ku yaala caasimadda Congo ee Kinshasa.

Cunto yari aad u xoogan ayaa ka jirta xabsiyada dalka Congo, iyadoo maxaabiis gaaraysa 8,000 ay qoysaskooda maalin walba u keenaan cuntada.

Diiwanka wararka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com