Mareykanka oo dalkiisa ka eryay 21 Askari oo Sacuudi ah

HomeWararka

Mareykanka oo dalkiisa ka eryay 21 Askari oo Sacuudi ah

Mareykanka ayaa eryey 21 ka mid ah ciidanka milatariga Sacuudiga, kuwaasi oo tababar uga socday dalkaasi. Jeneral William Barr oo ah xeer ilaaliyah

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay dhismaha dekadda Hobyo
Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo bilowday dhegaysiga dacwada Askari dilay qof shacab ah
Wasiir Sabriye oo sheegay xiliga uu furmayo shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug (dhegayso)

Mareykanka ayaa eryey 21 ka mid ah ciidanka milatariga Sacuudiga, kuwaasi oo tababar uga socday dalkaasi.

Jeneral William Barr oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidanka la eryey lagu helay qalabka kooxaha jihaadiyiinta ah ay siticmalan iyo sawiro anshax xumo ah.

Askeri 21 sano jir ahaa oo u dhashay Sacuudiga ayaa toogasho ka geystay saldhiga ciidamada cirka ee Pensacola , toogashadaasi oo ay ku dhinteen seddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka, halka lix kalena la dhaawacay, taasi oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga. .

Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah ayuu hadalkiisa ku daray William Barr .

Xeer ilaaliyaha William Barr ayaa intaa ku daray in falkii toogashada ee ka dhacay saldhiga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: