Turkiga oo gacanta ku dhigay Muhaajiriin  ay Soomaali ku jirto

HomeWararka

Turkiga oo gacanta ku dhigay Muhaajiriin ay Soomaali ku jirto

Muhaajiriin Soomaali ku jirto tiradoodu guud dhamayd 122 qof ayaa la sheegay in lagu qabtay Goballadda Bariga iyo Koofur Bari ee dalkaasi. Hadal ka

Warbixinta TARTAN & TACLIIN: Wareeggii 4aad habeenkiisii 1aad (dhegayso) 
KUURIYADA WAQOOYI OO TIJAABISEY GANTAAL CUSUB
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Ssameynta COVID-19 ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka

Muhaajiriin Soomaali ku jirto tiradoodu guud dhamayd 122 qof ayaa la sheegay in lagu qabtay Goballadda Bariga iyo Koofur Bari ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Hay’adaha Ammaanka ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Muhaajirriintaasi lagu soo qabtay Hawlgal laga fuliyey Goballadda Elazig, Faan iyo Kilis ee dalkaasi.

Hawlgalkaasi oo dhacay isbuucan gudihiisa waxaa dadka Muhaajiriinta ee lagu soo qabtay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Masar, Syria, Iraq, Iran, Libiya, Yemen, Bangaldesh, Gaaboon, Senigaal, South Afrika, Pakistan, Bangaladesh, Burundi, Maali, Kaamiruun iyo Gaaboon.

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi waxay sheegeen in ku-dhawaad 2,530 Muhaajiriin ah lagu xiray Turkiga tan iyo isbuiucii la soo dhaafay.

Muhaajiriinta lagu qabtay dalka Turkiga waxay dhamaantooda qorsheynayeen inay ka gudbaan xuduudka Turkiga la wadaago dalalka Giriigga iyo Bulgaariya.

Dhawaan ayay aheed markii Soomaali Muhaajiriin ah la xiray Xuduudka ay wadaan wadama Uganda iyo Kenya,ku waas oo doonayay in ay soo gudbaan wadankooda hooyo ee Soomaaliya.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: