Wasiir Sabriye oo sheegay xiliga uu furmayo shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug (dhegayso)

HomeWararka

Wasiir Sabriye oo sheegay xiliga uu furmayo shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug (dhegayso)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb l

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Warbixin Safarka | Bandiiradley | Caabudwaaq | Dhusamarreeb | oo hawlwadeeno ka tirsan Daljir
Wafdi ka socda dowladda somaaliya oo shir kaga qayb galaya dalka Tunisiya

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay ergada ka qeyb geleysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa caddeeyay in September 04,2019 uu furmayo shir-weynaha reer Galmudug ay aayahooda uga tashanayaan.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha si reer Galmudug ay ugu diyaar garoobaan dhismaha dowlad gobaleed dhameys ah oo ka shaqeyna danahooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada iyo u diyaar garowga ka mira dhalinta shir-weynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.

Dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: