Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya kala baxay maraakib dagaal

Maraykanka oo xeebaha Soomaaliya kala baxay maraakib dagaal

Markabkaan oo lagu Magacaabo USS ayaa Mareykanka waxaa uu ka joogay meelo kamid ah Biyaha Soomaaliya, waxaana lagu bixiyay Amar kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka.

Markabka oo ah nooca diyaaradaha qaada ayaa qorsuhu ahaa in uu ka howlgallo Bariga Dhexe si uu caawinaad dhanka Hawada ah u siiyo Ciidamada Mareykanka ee howlgallada wada, hayeeshee isbedel lagu sameeyay.

La bixitaanka Markabkan mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa lagu qeexay laba siyaabood oo kala ah in uu qeyb ka yahay daabulitaanka Ciidamada Mareykanka iyo cabsi la xiriirta in Iiraan ay fuliso weerar aargoosi ah oo la xiriira dilkii loo geystay Qaasim Suleymaani.

Ciidamada Mareykanka ayaa markii ay ka baxaan Soomaaliya waxaa la geyn doonaa dalalka Kenya & Jabuuti, halkaas oo howlgaladooda Qaarada Afrika ay kasii wadi doonaan, sida uu Amarka ku bixiyay Madaxweynaha xilka sii baneeynaya ee Donald Trump.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka joogay in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo u badan kuwa tababara Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com