Garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo dib loo furay

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo dib loo furay

Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo oo duullimaadada shacab ka xirnaayeen muddo 5 maalmood ayaa galabta si rasmi dib loogu furay kadib markii is afgarad laga gaaray khilaafkii sababay xirnaantiisa maalmaha qaadatay.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Macallimow iyo duqa degmada Doolow ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furnaanta galabta garoonka, waxaana tani ay timid markii Doolow uu soo gaaray isla galabta taliyaha ciidanka dhulka ee dawladda Soomaaliya Maxamed Tahaliil Biixi, kaasoo qayb ka ahaa is afgaradka laga gaaray xirnaanta garoonka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com