Maraykanka oo Soomaaliya ka caawinaya la dagaalanka Ayaxa

HomeWararka

Maraykanka oo Soomaaliya ka caawinaya la dagaalanka Ayaxa

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay bixin doonto sideed milyan oo Doolar si wax looga qabto Ayaxa ku habsaday dalalka bariga qaaradda Afrika. W

Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin dib u dhaca doorashada in marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus (dhegayso)
Nolosha Caruurta darbijiifka ah ee Bosaaso (dhegayso)
Dowladda oo war ka soo saartay doorashada Galmudug

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay bixin doonto sideed milyan oo Doolar si wax looga qabto Ayaxa ku habsaday dalalka bariga qaaradda Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo oo deeqdaas ku dhawaaqay Talaadadii, ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas ay si gaar ah ugu talagaleen Wadamada Soomaaliya, Itooiya iyo Kenya oo uu halakeeyay ayaxa ku habsaday dalagyadooda.

“Mareykanka ayaa wuxuu 8 milyan ku taageerayaan howlgalada iska caabinta Ayaxa ee gobolka si gaar ah Itoobiya ,Kenya iyo Soomaaliya,”ayuu Pompeo ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimada Itoobiya ee Adis Ababa.

US Secretary of State Mike Pompeo (L) takes part in a press conference with Ethiopian Foreign Minister Gedu Andargachew

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ,ayaa hadalkaan ka sheegay Caasimada Itoobiya waxaana shirkiisa jaraa’id ku wehlinaayay,dhigiisa Xukumada Adis Ababab Gedu Andargachew .

Kaalmadan aya kusoo aadeysa iyaddoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in Ayaxa uu ku faafo wadamo kale, taasoo ay xustay in ay khatar gelin karto nolosha kumaanaan ruux oo noloshoodu ku tiirsantahay Wax-soosaarka beeha.

Ayaxa oo dilaacay bishii December 2019, ayaa la xaqiijiyey in uu cagta mariyey kumanaan kun oo dhul-beereed ah, waana duulaankii ugu xumaa taariikhda muddo 70-sano ah siday ay qaxiijisay Qaramada midoobay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: