Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin dib u dhaca doorashada in marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus (dhegayso)

HomeWararka

Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin dib u dhaca doorashada in marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ka hadlay mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dib u dhac ku yimaada qabsoomida doo

Madaxweynaha Jubbaland oo amar kusoo rogay saraakisha amaanka
Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hiirshabeele oo la diyaarinayo
Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso/daawo)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa ka hadlay mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dib u dhac ku yimaada qabsoomida doorashada guud ee dalka.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashada, iyadoo marmarsiiyo looga dhiganayo Coronavirus, waxaa uux usay in doorashada Soomaaliya ay tahay arrin dastuuri ah oo waajib ku ah inay qabtaan madaxda dowladda Federaalka.

“Haddii Madaxda dowladda isku daydo inay sameeyaan muddo kororsi ay sababi karto in dalka ka dhacdo xasillooni daro iyo si qabqabsi siyaasadeed, mana ogolaan doono marmarsiiyo looga dhigto Coronavirus.”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xaalada la xiriirta cudurka Coronavirus ee dalka ay tahay mid ka sii dartay, loona baahan yahay in wadatashi laga sameeyo, si looga hortago khatartiisa.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: