Dowladda oo war ka soo saartay doorashada Galmudug

HomeWararka

Dowladda oo war ka soo saartay doorashada Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dib u heshiisiinta XukuumaddaF Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamare

Taliyaha Ciidanka Galmudug,”Dagaalkii Jeexdin Wuxuu Dhexmaray Dad Xoolo Dhaqato ah’ (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)
BADQABKA CUNNOOYINKA & NAFAQADA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dib u heshiisiinta XukuumaddaF Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada Galmudug.

Wasiir Sabriye oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug dhawaan ay dhicin doonto, isla markaana haatan uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee Doorashada.

Sidoo kale ayaa waxaa uu sheegay in Doorashada Galmudug ay ku dhici doonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoona aan loo hakan doonin tabashada Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka qaban arrimhaas.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kal horey hogaanka Ahlusunna uga digay inay caqabad ku noqdaan dhismaha Galmudug Cusub, isagoo xiligaas eedeeyn u jeediyay Hoggaanka Sare ee Ahlusunna.

Weli ma jiro wax xal ah oo laga gaaray Khilaafka u dhexeeya Hoggaanka Ahlusunna iyo dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan fulinta heshiis ay horey uga wadeen labada dhinac, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Cusub ee Galmudug Ahlusunna laga siiyo 35 Xildhibaan.

Si kastaba Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug ay dhici doonto inta u dhexeeysa 17-23-ka Bisha soo socota ee December ee 2019.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: