Kenya oo yeelaneysa Ra’iisul Wasaare

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata iyo Hogaamiyaha Mucaarad Raila Odinga ayaa waxaa Maanta dhex-maray heshiis gacan qaad ahaa,kaas oo lagu go’aamiyey in Kenya yeelato Ra’iisul Wasaare.

Goobta uu heshiiska ka dhacay oo aheyd Xarunta Bomas of Kenya ayaa waxaa ku sugnaa in ka badan 5,000 oo ergo oo ka kala socda Ismaamulada Dalka Kenya.

Qodobada heshiiska ugu muhiimsan ayaa waxaa kamid ah Kenya oo yeelaneysa Ra’iisul Wasaare, fursado Shaqo oo la siin doono Dhalinyarada iyo 7 sano ee ugu horeeysa aan wax Canshuur ah laga qaadi doonin.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa qofkii soo gudbiya xog la xiriirta musuq maasuq lacagta laga helo qofkii musuqa lagu helay Boqolkiiba Shan la siin doono kan xogta keenay iyo qodobo kale.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com