Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka fuliyeen shabeellaha Hoose

HomeWararka

Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka fuliyeen shabeellaha Hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah o

Dawladda Puntland oo ku dhawaaqday in si rasmi ah looga mamnuucay dalka Isticmaalka Bacda (dhegayso/Daawo)
SHEEKH RUSHEEYE YARE OO BOOSAASO KA BILAABAY IN DADKA UU KU DAAWEEYO QURAANKA (Daawo)
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Fadhiga Gaarka ah ee Arrimaha Geeska Afrika ee Madasha TICAD (Sawiro)

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 20/8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,isla markaana ay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Jeneraal Joel Tyler.

Taliska Mareykanka ee Africom iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya, balse ay u baahan tahay inay siiso fursad dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isaga oo sheega in uu ku dilo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, hayeeshee mararka qaar ay duqeymahaasi ay waxyeelo kasoo gaartaa dad rayid ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: