Maamulka Jubbaland muxu ka yiri gabagabada shirkii dhuusaamreeb 3 ??

HomeWararka

Maamulka Jubbaland muxu ka yiri gabagabada shirkii dhuusaamreeb 3 ??

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
Toogasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka (Akriso)
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ka gaareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, xilli kulankii ay ku yeesheen Dhuusamareeb ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-gelin wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa hora dhowr jeer ugu eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uusan fulin heshisyo uu la galay sidoo kale Xukuumadda xilka siiheysa ay gaarayaan go’aano masiiri ah oo sharci darro ah.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in War-murtiyedka ay soo saareen Madaxdii ku shiraty Dhuusamareb uu si kedis ah kusoo gaaray, hayeeshee Maamulka Jubbaland ay ka tashanayaan Go’aankii ay ka qaadan lahaayeen.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb, iyaga oo sheegay in dalka aysan laheyn xukuumada fulisa waxyaabaha y ku heshiiyaan, waxaana ay Madaxweynaha Soomalaiya ugu baaqeen in uu Ra’iisul Wasaare soo Magacaabo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan Go’aamo a xiriira mowqifkooda ku aadan qodobadii ay soo saareen Madaxdii ku shiraty Dhuusamareeb, go’aamadaas oo laba midkood noqonaya inay taageeraan ama kasoo horjeestaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: