Ciidamadda dowladda iyo Alshabaab oo u dagaal ku dhexmaray Baardheere

Ciidamadda dowladda iyo Alshabaab oo u dagaal ku dhexmaray Baardheere

Magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo wuxu dagaal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo degmada Baardheere,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad Saacad.

Dadka degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com