Maraykanka oo AMISOM ku Wareejiyeey Gadiid Dagaal (Sawiro)

HomeWararka

Maraykanka oo AMISOM ku Wareejiyeey Gadiid Dagaal (Sawiro)

War Kaso Baxay Ciidanka Mareykanka Afrika ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti ayaa ku dhawaad 20 Gaadiidka dagaalka ah ku wareejiyay Ciidamada Uganda e

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Ku Kulmaya Magaalada Galkacyo
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qado sharaf u sameyeey Issimadda Puntland (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

War Kaso Baxay Ciidanka Mareykanka Afrika ee fadhigooda yahay dalka Jabuuti ayaa ku dhawaad 20 Gaadiidka dagaalka ah ku wareejiyay Ciidamada Uganda ee ka midka ah howlgalka AMISOM.

Gaadiidkan ayaa lagu sheegay in loogu talagalay xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab sidoo kalena sare loogu qaadayo tayada Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya,gaar ahaan kuwa u dhashay Dalka Uganda.

Kayanja Muhanga. oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa dowladda Mareykanka uga mahad celiyay yabooha Gaadiidka dagaalka iyo Labo Kunteenar oo ay Ciidanka sahayda ku qaataan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ka socda Uganda ay 40% howlgalka AMISOM iyaga hayaan,taas oo uu sheegay in baahidoodana ay ka badan tahay Ciidamada kale ee ka mid ka ah AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: