Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Ku Kulmaya Magaalada Galkacyo

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Ku Kulmaya Magaalada Galkacyo

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha aya lafilayaa inuu magaalada Galkacyo kula kulmo madax ka socota maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la kulmay shalay ilaa xalay waxgaradka magaalada Galkacyo, iyadoona siweyn ay isula gorfeeyeen xaaladda ammaan ee gobolka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Galmudug ka geysatey Jeexdin iyo Bursaalax.

Labada dhinac (Puntland iyo Galmudug) ayaa lafilayaa inay ka xaajoodaan arrimaha taagan iyo sidii xal looga gaari lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com