Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Boqor Salmaan

Madaxweyne Farmaajo oo La Kulmay Boqor Salmaan

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuuna xusay in Kulankii uu la yeeshay Boqor Salmaan Bin C/casiis ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana ay Labada Waddan horumar ka sameeyeen xoojinta Xiriirkooda soo-jireenka ah.

“Wada-hadal miro-dhal ah ayaan la yeeshay Boqor Salmaan oo ku aadan xoojinta xiriirka u dhexeeya Labadeenna Dal, Waxaana uga mahad celinayaa soo-dhaweyntiisa iyo marti-gelintiisa” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu magaalladda Jeddah Kulan Khaas ah la yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ahna Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com