HomeUncategorized

Maraakiib Jariif ah oo ku soo Badanaya xeebaha Puntland

Talaado, Oktoobar 27, 2015 (Daljir) —Gudoomiye ku xigeenka Degmada Barderbayla ee Gobalka Karkaar Mudane Axmed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay dagaal kala hor tagaan Maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darada ah u guranaya khayraadka ka buuxa xeebta xiliga baddu furan tahay, balse waxa uu tilmaamay inaysan waxba ka qaban karin xilliga baddu xiran tahay.

Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in dastuurka Soomaaliya laga daayo Fara-galinta
Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland oo ka Hadlay Eedaymo loo soo jeediyay Jubbaland
Buug ka Hadlaya khatarta Tahriibka oo lagu soo Bandhigay Garowe

Talaado, Oktoobar 27, 2015 (Daljir) —Gudoomiye ku xigeenka Degmada Barderbayla ee Gobalka Karkaar Mudane Axmed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay dagaal kala hor tagaan Maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darada ah u guranaya khayraadka ka buuxa xeebta xiliga baddu furan tahay, balse waxa uu tilmaamay inaysan waxba ka qaban karin xilliga baddu xiran tahay.

“Xilliga baddu furan tahay waan iska dhicinaa Maraakiibta nagu soo dhowaada, laakiin waxaa jira xilliyo aanan tabar u ahayn oo aanan fuuli karin oo baddu kacsan tahay, Maraakiibtana waxba kama qaban karno, waxaa kaloo Maraakiibtasi nooga sii darran Doonyo si sharci daro ah degmada baddeeda uga Kalluumaysta, doonyahaasi iyo Markiibta xaaluf ayay xeebteena ku hayan’’ sidaasi waxaa noo sheegay Axmed Yuusuf Maxamed.

Gudoomiye ku xigeenka degmada ayaa sheegay dowladda gaar ahaan wasaradda arrimaha gudaha uga dacwoodeen dhibta lagu hayo xeebtooda hase yeeshee ilaa iyo hada waxba laga qaban arrintaasi, waxa uu hadalkiisa intaa ku daray inay xaalufka lagu hayo badda u dheertay abaar ka taagaan bariga oo aan mudo wax roob ah ka da’in.

Dhaqaalaha ugu badan degmadan ayaa kasoo gala wax soo saarka badda, hase yeeshee ma jirto shaqooyin badan oo ka socda, taasna waxaa ugu wacan sida ay noo sheegeen dadka aqoonta u leh waa jariifka xeebta lagu hayo, waxaana ugu badan doonyo iyo Maraakiib ka socda dalalka Iiraan iyo Yaman.

Ciise Cumar Maxamuud waa xildhibaan ka tirsan gollaha deegaanka degmada Barderbayla, wuxuu aqoon dheer u lee yahay cilmiga badda, wuxuu tilmaamay weerarka lagu hayo xeebaha Puntland hadduu uu sii socda inay sababi karto dhaqaale xumo iyo burcad badeed dib u bilowda, waxa kale uu aaminsan yahay Maxamuud inay aad ugu walaacsan yihiin jariifka foosha xun ee lagu hayo xeebaha xilliga baddu xiran tahay.

Ma jirto ilaa iyo hadda go’aan rasmi ah dowladdu kula dagaalamayso Jariif layaasha sharci darada ah, haddii ay soo socotana waxay xaalufka xeebaha waxay saamayn ku yeelan doonta nolasha qoysasy badan oo ku tiirsan wax soo saarka badda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: