Kulamo Xasan Shekh uga Bilowday Sacuudiga

Talaado, Oktoobar 27, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa in maanta uu kulan la qaato boqorka Sacuudiga boqor Salmaan bin Cabdul casiis.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo lahad Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa sheegay in waftiga  madaxweynuhu ay la kulmi doonaan Amiirka boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo guud ahaan iskaashiga dalalka Carabta sida arrimaha wadanka Yemen iyo falalka kale ee argagixisada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo taliyaha ciidanka Nabadsugida Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudiga,  halkaas oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen, waxaana Wasiirada la socda Madaxweynaha ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan dhigooda Sacuudiga.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com