Shirar lagu Dhex-dhexaadinayo Axmed Madoobe iyo Qaar kamid ah Siyaasiinta gobolka Gedo oo Furmay

Talaado, Oktoobar 27, 2015 (Daljir) —Magaalada Garbahaaray ee gobolka Geddo waxaa ka socday wada hadalo lagu heshiisiinayo Siyaasiyiinta Geddo iyo Maamulka Axmed Madoobe oo mudooyinkaan isku khilaafsana Siyaasada Jubbaland ee gobolka Geddo.

Siihaya Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Farataag ayaa kusugan magaalada Garbahaaray, waxaana maanta la filayaa in lagu qabto shir lagu heshiisiinayo Axmed Madoobe iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Geddo Maxamed Cabdi Kaliil.

Labada masuul ayaa iska soo horjeestay kadib markii Axmed Madoobe uu xilka gudoomiyaha gobolka Geddo ka qaaday Maxamed Cabdi Kaliil isagoo kaliilna uu kasoo horjeestay maamulka Axmed Madoobe.

Shirka uu Fartaag la qaadanayo Kaliil kadib waxaa la filayaa inay aadaan Magaalada Kismaayo si loo wada hadal siiyo Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Kaliil.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com