HomeUncategorized

Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland oo ka Hadlay Eedaymo loo soo jeediyay Jubbaland

Isiin May 11, 2015 (Daljir) — Madaxwayne ku xigeenka dowladda Jubbaland Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo howlo shaqo u joogo dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedaha loosoo jeedinayo dhismaha Baarlamaanka mamulkooda.

Duqa Gaalkacyo oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii tagey, cambaareeyayna mucaaradka.
War-murtiyeed ka kooban 10 qodob oo ka soo baxay shirkii madaxda federaalka uga socday Uganda.
Dawlada Maraykanka oo faah faahin ka bixisay nooca ay yihiin xayiraado lagu kordhiyey Soomaaliya (Dhegayso)

Isiin May 11, 2015 (Daljir) — Madaxwayne ku xigeenka dowladda Jubbaland Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) oo howlo shaqo u joogo dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedaha loosoo jeedinayo dhismaha Baarlamaanka mamulkooda.

Fartaag ayaa sheegay Baarlamaankan inuu yahay kii ugu horeeyay oo nidaam Deegaan lagu soo xulay xildhibaanadda oo aan hab qabiil lagu soo xulin, wuxuna sheegay taasi inay cadayn u tahay sida Jubbaland uga go’an tahay inaan lagu xad gudbin shacabka degan Gobaladda uu mamulkan ka taliyo.

Hadal dhowaan kazoo yeeray wasiirka warfaafinta mamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ahaa inaysan aqoon san doonin dhismaha Baarlamaanka Jubbaland oo ay saluug ka muujiyeen qaybsigiisa ayuu madaxwayne Fartaag ugu jawaabay inay muhiim tahay in la taageero Baarlamaanka Jubbaland, maadama caalamka iyo dowladda dhexe iyo Puntland ay muujiyeen sida uu sharciga u yahay habka Baarlamaanka loosoo dhisay, wuxuna sheegay Fartaag mamulka Shariif Xasan Shiikh Aadan inuu wada shaqayn kala dhaxeeyo hase yeeshee aysan ahayn in wax la mucaarado.

Sidoo kale dhismaha Baarlamaanka Jubbaland waxaa ka hor yimi qaar ka mid ah Xildhibaadda dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay sifo sharci ah inaan loosoo marin xulitaanka Baarlamaanka Jubbaland.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: