HomeUncategorized

Duqa Gaalkacyo oo ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii tagey, cambaareeyayna mucaaradka.

Gaalkacyo, Jan, 07- Duqa degmada Gaalkacyo Col, Siciid Cabdi Faarax oo maanta Warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii 2012kii ee dhawaan ina waydaartay, iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan sanadka cusub inay qabtaan.

Nin Madaxweyne Sheegtay oo lagu Xiray Gobolada Dhexe
DF Oo qorshaysay in dalka laga joojiyo diyaaradaha aan la isku halayn karin duulimaadkooda
Barnaamijka falanqaynta doorashooyinka Puntland, Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi Daljir Garoowe

Gaalkacyo, Jan, 07- Duqa degmada Gaalkacyo Col, Siciid Cabdi Faarax oo maanta Warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay waxqabadka maamulkiisa ee sanadkii 2012kii ee dhawaan ina waydaartay, iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan sanadka cusub inay qabtaan.


Col, Siciid ayaa sheegay inay ku guulaysteen dhismaha suuqyo kala gadisan oo ay hirgaliyeen iyagoo kaashanaya hay’adaha qaarkood, sidoo kalana ayaa jiraan mashaariic ay ka fuliyeen suuqyadaasi ay dhiseen, duqa ayaa sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay inay dib u habayn ku sameeyeen dhawr waddo uu ku yaal magaalada sida midda ay ugu magac dareen Jaamac Biixi, kuwo kalana ay hada qorshaynayaan inay hormariyaan.


Siciid ayaa warbixintiisa wuxuu ku soo hadal qaaday shakhsiyaad uu sheegay inay qurbaha ku soo wareereen waa sida uu hadalka u dhigaye oo doonaya inay burbur u gaystaan dalka, kuwaas oo uu bulshada kaga digay taageero siintooda.


” Waxaa jira dad soo wareeray oo iyagoon siyaasadda hoos ka soo bilaabin raba kuna haya m/weynaan rabaa, taasina waa waxaan suura gal ahayn”, Ayuu yiri Col, Siciid duqa Gaalkacyo.


Duqa ayaa dhanka kale digniin u diray shakhsiyaad uu sheegay inay isku dhajiyaan canshuurta, sidaas oo ay tahayna dacaayad raqiisa suuqa la fadhiya, wuxuuna sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.


Gudoomiyaha degmada ayaa bulshada ugu baaqay inaysan raacin cid aan u hayn dantooda, wuxuuna ku booriyay inay dadku waxqabsadaan balse aysan ku mashquulin m/weynaha PL Dr, Faroole, wuxuuna sheegay fadhi ku dirirku inuusan lahayn wax caaqibaa.


Wuxuu sidoo kale duqa Gaalkacyo soo hadal qaaday shakhsiyaadka mucaaradkaa ee magaalada jooga inaysan wali booqan xarumaha bulshada, hase ahaatee ay kulamo macna darraa ku qabanayaan guryo ku yaal magaalada, isagoo xusay inay fiicnaan lahayd bal inay marka hore arkaan dadweynaha iyo goobaha bulshada.


Hadalka duqa degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya xili magaalada ay maalmihii danbe kulamo ka wadeen siyaasiyiin si weyn oga soo horjeeda hogaanka uu garwadeenka ka yahay ee C/raxmaan Faroole.

Duqa Gaalkacyo ayaa carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay gacan bir ah ku qabtaan ammaanka magaalada, sidoo kalana ay hormarinayaan hawlaha arimaha bulshada ee loo igmaday.

Diiwaanka Wararka daljir

Gaalkacyo

(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: