Bandhig Buugaagta ah oo lagu Qabtay Daarta Boqor Cismaan Boqor Muuse ee Degmada Baargaal

 Daarta Boqor Cismaan Boqor Muuse ee ku taala degmada Baargaal,kana mid ah Guryo Taariikheedka Puntland,ayaa waxaa lagu qabtay Bandhig Buugaag,taasi oo ay ka qayb galeen Maamulka Gobolka Gardafuu,Siyaasiyiin,Aqoonyahan,dhalinyaro iyo qaybaha kale ee Bulshada.

‘Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya Aadan Maxamed Cali oo ka hadlay Munaasabada lagu soo Bandhigay Buugta,ayaa sheegay in Guri Taariikheedka Boqor Cismaan Boqor Muuse uu kuso qaatay Waxbarashadiisa Aas-aasiga ah.

Guddoomiyaha degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta,ayaa Bulshada ku dhiiri geliyay inay Akhristaan Buugaagta,kuwaas oo uu sheegay inay ka sheekaynayaan dhaqanka Soomaalida.

Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Ismaaciil ‘’Sidii’’ , ayaa muujiyay sida akhrisku uu muhiimad balaaran ugu xambaasran yahay Bulshada,wuxuuna ka codsaday Bulshada ku dhaqan Gobolka Gardafuu inay ku dadaalaan akhrinta.

Xigasho : AbdiQani 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com