Madaxweynihi hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan oo ka hadlay qarax ka dhacay Walanweyn

Madaxweynihi hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan oo ka hadlay qarax ka dhacay Walanweyn

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii mataanaha ahaa ee xalay lagu weeraray Hoyga Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ka degan yahay degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan ayaa qaraxyadaasi waxaa uu ku eedeyay inay ka dambeeyaan Al-Shabaabw,waxaana uu ka tacsiyadeeyay dadkii isugu jiray askarta iyo Shacabka ee qaarxaasi ku dhintay.

“Waxaan cambaareynayaa, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee Al Shabaab ka geysteen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada Hoose.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaan xog ku helay in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan oo carruur u badan ayuu yiri” Shariif Xasan.

Ugu dambeyn Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay qaraxyadaasi, isla-markaana ay sharciga horkeenaan.

Qaraxaydii ka dhacay degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa inta la xaqiijiyey ku geeryooday Afar Ruux oo isugu jiray askar iyo Shacab halka 7 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com