Guddoomiyaha gobalka Hiraan oo gaaray degaano lagu dagalamay

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Hiraan oo gaaray degaano lagu dagalamay

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiil Ciidan ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada feerf

Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Xaaladda Qoysaas ku Sugan Cabudwaaq oo laga soo dayrinayo (dhegayso)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ay qeyb ka yihiin Saraakiil Ciidan ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada feerfeer oo ku taalla xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago itoobiya.

Dhawaan waxaa Degmada Feerfeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed oo degmada feerfeer iyo degaannada hoostaga ada dega.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Xubno ka socda hoggaanka Nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalma ka hor feerfeer gaaray ayaa la filayaa inay kulan looga hadlayo xalinta dagaal beeleedkaas ku yeeshaan degmada Feerfeer.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Odayasha Dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabtay ee halkaasi ka dhaca.

Socdaalka guddoomiye jeeyte ee Feer Feer u ku tagay ayaa kusoo aadaya xilli hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka u ku howlan yahay sidii u baaritaan dhab ah ugu sameyn lahaa sida ay ku bilaawdeen dagaal beeleedyada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: