Shir loga hadlayo Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo Muqdisho ka socda

HomeWararka

Shir loga hadlayo Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo Muqdisho ka socda

Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya

Waraysi: Aqoonyahan Dr Haajir: “Haddii Somaliland weeraar soo qaado waxaa muran gali doona Caynabo iyo Burco”
Guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatada degmada EYL oo ka hadlay dhibaatoyin haysta kaluumaystada.
Warka Fiidnimo iyo Xasan Haykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaan maalintii labaad galay waxaana shirka maanta diirada lagu saaraya sidii qodobadii shalay looga dooday loo sii amba qaadi Lahaa.

shirka waxaa ka qeyb galaya Wasaarada Tamarta iyo biyaha ee dowlad goboleedyada , Gobolka Banaadir Iyo shirkadaha korontada ee gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale qaar ka mid ah macaamiisha oo muhiimadu ay tahay in la ogaado dhammaan caqabadaha ay la kulmaan Iyo baahiyaha aas aasiga ee koronta oo ay ka midyihiin qiimaha iyo sida dalka oo dhan loo gaarsiin Karo.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka biyaha xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa sheegtay in dhammaan qodobada iyo arragtida la qaadayo Laguna darayo qabyo qoraalka hindise sharciyeedka iyo in bilaawga bisha soo socoto markale layskugu imaandoono shirkale oo gabagabo ah.

sidoo kale waxyaabaha shirka looga hadlayo ka mid ah arrimaha maalgashiga soda shirkadaha dadka Soomaaliyeed Iyo gamacsiga shirkadaha ajaanibta oo ka mid ah dhaqaalaha dalkeynu uu ubaahanyahay hase ahaatee waxaas oo dhan uu horseed uyahay in sharci loo helo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: