Dhismaha Dekedda Garacad iyo goorteeda dhammaansho (dhegayso)

Dhismaha Dekedda Garacad iyo goorteeda dhammaansho (dhegayso)

Garacad oo ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug muddo sannado ah waxaa ka socda dhismaha deked casri ah oo ka duwan dekeddii hore ee deegaanadda Puntland ee magaalada Bossaso, yeelanna doonta adeegyo suuragalin kara in maraakiibta waaweyni ku soo xirtaan, shixnadaha kunteerada ahna laga soo dejiyo.

Dekedda oo shaqadeeda guda-gelidda xagga badda la bilaabay dhammaadkii sannadkii tagey ee 2019ka, hadda waxaa dhanka biyaha la gudaha galay masaafo ka badan 400mt, iyadoo wadarta dhexgal ee biyaha iyo aasiddooda ee loo baahanyahay ay dhantahay 1150mt.

Marka la fiiriyo qorshihii talagal ee horay loogu jaangooyey dhammaadka mashuurkaan, siiba intii aasidda bilaha la bilaabay, waxay ahayd in uu ku idlaado muddo 19 bilood gudahooda, waxaana haatan hawshaasi socotaa wax ka badan siddeed bilood, iyadoo lagu rajo weynyahay muddada bilaha ee ka dhimman muddadii horay loo jaangooyey in ay ku ebyoonaato dekeddu, inkastoo qorshuhu yahay dhammaadkeeda ka hor in ay bilaabato wax ka dhoofinta dekedda iyo wax ka soo dejinteeduba.

Dr. Maxamuud Qorane waa guddoomiye kuxigeenka guddiga dhismaha dekedda Garacad, wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayuu uga warramay heerka uu haatan marayo dhismaha dekedda Garacad iyo qorshaha ka meelaysan xilligeeda dhammaystir.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com