Madaxweyne Xaaf “Hadii Galmudug gubato Xamar nabad ahaan meyso”

Madaxweyne Xaaf “Hadii Galmudug gubato Xamar nabad ahaan meyso”

Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wuxuu sheegay hadii maamul goboleedyada rabshado iyo burbur uu ka bilawdo gaar ahaan Galmudug in aysan nabad ahaan doonin Muqdisho.

Hadalkan wuxuu ka sheegay kadib markii maanta uu khudbad ka jeediyay shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka furmay magaalada Garowe, kaasi oo looga hadlayo arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan u sheegayaan oo aan jeclahay inaan fariin u dhiibo madaxda federaalka, hadii gobolada gubtaan gaar ahaan Galmudug, wallaahi in aysan Xamar nabad ahaaneyn.” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay in dowladda ay ku fashilantay inay wax ka qabato arrimaha ammaanka, islamarkaana keliya ay ku soo aruurtay wadada Maka Al Mukarama.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com