Madaxweyne Xaaf “Hadii Galmudug gubato Xamar nabad ahaan meyso”

HomeWararka

Madaxweyne Xaaf “Hadii Galmudug gubato Xamar nabad ahaan meyso”

Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wuxuu sheegay hadii maamul goboleedyada rabshado iyo burbur uu ka bilawdo gaar ahaan Ga

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 23aad – dhegayso/daawo)

Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa wuxuu sheegay hadii maamul goboleedyada rabshado iyo burbur uu ka bilawdo gaar ahaan Galmudug in aysan nabad ahaan doonin Muqdisho.

Hadalkan wuxuu ka sheegay kadib markii maanta uu khudbad ka jeediyay shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka furmay magaalada Garowe, kaasi oo looga hadlayo arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan u sheegayaan oo aan jeclahay inaan fariin u dhiibo madaxda federaalka, hadii gobolada gubtaan gaar ahaan Galmudug, wallaahi in aysan Xamar nabad ahaaneyn.” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay in dowladda ay ku fashilantay inay wax ka qabato arrimaha ammaanka, islamarkaana keliya ay ku soo aruurtay wadada Maka Al Mukarama.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: