Madaxweyne Siilaanyo oo si Degdeg ah Imaaraadka Looga Yeeray

HomeWararka

Madaxweyne Siilaanyo oo si Degdeg ah Imaaraadka Looga Yeeray

Maxadweynaha Soomaaliland mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta  ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaala

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil: “Waanu guulaysanay koob kuna waxuu socon doona ilaa Goojacade”
Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo ku wargalisay bangiyadda dalka inay qaatan lacagta 50-ka dollar ah
HOGGAANKA SARE EE MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO KULAN YEESHAY

Maxadweynaha Soomaaliland mudane Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta  ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargaysa kuwaasi oo ku wajahan Dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Wadamada Khilaafka Xoogan uu kala Dhexeeyo Dalka Qatar.

Wafdiga Madaxweyne Siilaanyo oo iskugu jira Xubnaha Golaha Xukumada iyo Golaha Wakiilada Shacabka ayaa gaaraya Magaalada Abudhabi ee Dalka Imaaraadka Carabta ka Dib Markii ay Casuumaad ka Heleen Dowlada Imaaraadka oo u yeertay Madaxweynaha Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland iyo Dowladda Imaaraadka ayaa ka Wada Hadlaya Xoojinta Xiriirka Soomaaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo  in Soomaaliland ay Xoojiso Go”aankii ay Xiriirka ugu jartay Dalka Qatar.

Warar ayaa intaa ku Sii darayaa in Madaxweyne  Siilaanyo iyo Imaaraadka ay ka Wada Hadli Doonaan dardargalinta Saldhiga Militariga Imaaraadka Carabta ee badda Barbera kaas oo muhiim u ah Dhaq-dhaqaaqa Xulufada Cusub ee ka soo horjeeda Dalka Qatar islamarkaana uu Hogaaminayo Dalka Sucuudi Carabiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: