Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa ku qaabilay Wafdi Kasocda Imaraadka (Warsaxafadeed)

HomeWararka

Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa ku qaabilay Wafdi Kasocda Imaraadka (Warsaxafadeed)

Qoraal Warsaxafdeed ah oo Kaso baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa maanta lagu sheegay in Muuse Biixi uu qaabilay Wafdi kasocda Dalka

Labada gole oo ansixiyay Miisaaniyada sanadka 2020
Wacaal Darey ah: Wasiir Cawad oo shir deg deg ah isgu yeeray Safiirada dalalka caalamka ee ku sugan Muqdisho
Taliyaha Ciidanka Somaliyeed oo qaabilay wafdi kasocda Taliyaaniga (Sawiro)

Qoraal Warsaxafdeed ah oo Kaso baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa maanta lagu sheegay in Muuse Biixi uu qaabilay Wafdi kasocda Dalka Imaraadka Carabta kuwaas oo gaaray Hargeysa.

Dhinaca kale Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in weftiga imaraadka ay madaxweynaha Somaliland u sheegeen inay ka xun yihiin hadalkii wasiiru-dowlaha arrimada dibedda imaraadka oo ay sheegeen in si khaldan loo turjumay, ayna qoraal rasmi oo raali galin ah ka soo saari doonaan.

Warsaxafadeedka wuxuu u qornaa sidatan:-

WAR-SAXAAFADEED: 22/04/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Dalka Imaaraadka Ka Socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood.

Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-

1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.

2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.

3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.

4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: