Taliyaha Ciidanka Somaliyeed oo qaabilay wafdi kasocda Taliyaaniga (Sawiro)

Taliyaha Ciidanka Somaliyeed oo qaabilay wafdi kasocda Taliyaaniga (Sawiro)

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile, u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Italy ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Kulankaasi ayaa looga hadlay siddii loo sii xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya ciidanka booliska Soomaaliya, booliska Talyaaniga iyo sidoo kale siddii dawladda Italy ay ugu qeyb qaadan laheyd dhismaha ciidanka booliska.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Carlo Campanile, ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay kordhin doonto taageerada dib loogu dhisayo ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana uu ammaanay shaqada adag ee ciidanka ay hayaan iyo hawlaha nabadeynta ah ee ka socda Soomaaliya.

Kulanka kadib Carlo Campanile iyo u qaabilsanaha arrimaha ciidanka ee safaaradda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa waxa ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasi oo uu ku muteystay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee uu ku sameeyey ciidanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com